Dhegayso: Waa Maxay Sababta ay Soomaalida u Saameeyaan Aflaamta Shisheeyuhu

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa sii xoogaysanayay saamaynta ay Sooomaalidu ku dhex leeyihiin xarumaha caalamiga ah ee samaynta aflaanta, kuwaas oo loo jilo qaab heer caalami ah.

 

Waxaa arrimahaas door weyn kaga jira rag iyo dumar Soomaaliyeed oo markii hore qurba joog ahaa balse dalka iyo Geeska Africa dib ugu soo laabtay.

 

Axmed Faarax, oo kamid ah ragga mudada badan qurbaha ku noolaa sidoo kalena mihnadda Warbaahinta dhanka duubista muddo badan kusoo dhex jiray,

ayaa ku guuleystay inuu sameeyo aflaan loo duubayo qaab heer caalami ah islamarkaana ay ka qayb galayaan in ka badan 300 oo qof.

Aflaantaasi ayaa waxaa ka mid ah Filimka Ayaanle oo haatan lagu jilayo xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, islamarkaana ka hadlaya xaaladda nolasha Soomaalida Islii iyo falalka argagixisada.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker