Dawlada Turkiga oo Fasilaad ka Bixisay Siday u Aragto Wada-hadaladii dalka Jabouti ku dhexmaray Somaliland iyo Somalia

Soomaaliya Dr. Kamaaluddiin Toorun (Cemalettin Kani Torun) ayaa qoraal  saluug ka muuqdo waxa uu ku baahiyey barta uu ku leeyayahay degalka
xidhiidhka Bulshada ee Twitter isaga oo ka fal celinayay shirka wada hadallada  Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ambassador Torun isaga oo daba socda shirarkii hore Somaliland iyo  Soomaaliya uga qabsoomay waddankiisa Turkiga ee uu Gogoshiisa dhigay
Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa waxa uu su’aal iska waydiiyay waxa  ku dhacay heshiisyadii hore labada dhinac u kala saxeexdeen waxaanu yidhi:

“Maxaa Ku dhacay Saddexdii heshiis ee guddiyadii farsamo ee hore isla  gaadheen, ma qashinkaad ku rideen.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Kani Torun.

Dawladda Turkiga ayaan qayb ka ahayn dhinacyada shirkan ugu dambeeyey saamaynta ku lahaa ama soo qaban qaabiyay waxaanay warar hoose oo soo  baxayaa sheegayaan in uu aad uga xumaaday sababta loogu war gelin  waayay ama uu door ugu yeelan waayay shirkaasi maadaama uu wakhtigan  yahay waddan si weyn saamayn ugu leh waddanka Soomaaliya iyo gaar  ahaan dawladda Federaalka ah ee Villa Somalia oo uu taageero weyn siiyo.

Lama oga tallaabada xigta ee uu waddanka Turkigu qaadan doono ee ku
aaddan xaaladdan siyaasadeed ee ka soo korodhay dhinacyada Somaliland
iyo Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker