Khubaro Caafimaad oo Biritish ah ayaa Sheegay Kiniin Lagu Dawaynayo Xanuunka Covid 19

London (OWN) – Guud ahaan khuburada Caafimaad ee Dunida ayaa maskaxdoodu mashquul ku aheyd sidii daawo loogu heli lahaa cudurka COVID-19, hase ahaatee Khubaro ka tirsan jaamacadda Oxford ee London iyo dhaqaatiir kale ayaa shaaca ka qaaday war ay sheegeen inuu Yahay ku Lagu  farxo.

 

 

Kaniinka Dexamethasone ayaa noqday daawada kaliya ee dili karta cudurka Coronavirus, dhimashadana ka badbaadin karta dadka qaba cudurka ee xaaladaha halista ah ku jira.

 

Madaxa kooxda baadhitaankan iyo tijaabada sameeyay, Prof. Peter Horby, ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo muhiima oo horay Loo qaaday.

 

 

“Tani waa daawada kaliya ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay yareyn karto heerka dhimashada qofka xaaladiisa aadka ugu il daran tahay COVID-19, si sareysa ayeyna u yareyneysaa awooda cudurkaani, waana guul weyn oo la gaaray” ayuu yidhi Prof. Peter Horby.

Isbitaalada NHS ee UK hadda waxay bilaabeen isticmaalkeeda, kadib markii lagu guuleystay tijaabo lagu sameeyay bukaano qabay COVID19 kuwaasi oo isugu jiray kuwo xaaladahooda halis ahaa iyo kuwo aan u baahneyn qalabka neefta in lagu xero.

2,000 qof oo lagu tijaabiyay daawadaan ayaa dadkii ku xernaa qalabka ventilators ee koomaha ku jiray ay ka caawisay in ay badbaadaan oo caafimaadaan.

Qiimaha kaniinigaan oo loo isticmaalo neefta ayaa aad u hooseeyo, wadanka UK 5 Pound ayaa lagu iibiyaa xermadii oo ka kooban 20 inax ama xabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker