Musharax Cabdiramaan Cirro oo La kulmay Hawaynaydii Taliye Ku Xigeenka RRU-du Jidh Dilay
Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa gurigiisa ku qaabilay Nimco Maxamed Axmed oo ah gabadhii sarkaal ka tirsan boolisku jidh-dilka daran u gaystay xilli ay ka qayb galaysay dibad-bax nabadeed.
Nimco oo ka mid ah taageerayaasha ruuxiga ah ee Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa muujisay in aanay cabsi gelinayn tacaddiyada sharci darrada ah iyo falalka gurracan ee xukumadda wakhtigeedu gabaabsiga yahay.