Amiirka Dalka Qatar Oo Safar Kadis ah ku Tagay Dalka Iiraan.(Sawiro)
Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta Safar aan horey loo sii shaacin waxa uu ku Tegay magaalada Tehran ee Caasimada dalka Iran, xili xiisada u dhaxeysa Iran iyo Mareykanku ay meel xun mareyso.
Wakaalada wararka u faafisa dowlada Qatar ee QNA ayaa Shaacisay in Amiirka u Tegay dalka Iran si uu kulamo ula qaato Madaxda dalkaasi ugana wada hadlaan Xidhiidhka labada dal iyo Arimo kale oo muhiim ah.
Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka iran Hassan Rouhani, waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleyn Xidhiidhka labada dal iyo sidoo kale xiisada taagan.
Dowlada Qatar oo Xidhiidh dhaw la leh labada dal ee xiisadu xilgan ka dhaxeyso Waa Iran iyo Mareykanka E, Qatar ayaana dooneysa in xiisada la dejiyo ayna labada dhinac xiisada taagan wadahadal ka galaan.
Dilkii Mareykanka u geesteen Jeneraal Qaasim Sulemani ayaa xoojiyay xiisadii u dhaxeysay Wadamada Mareykanka iyo Iran, waxaana jirta cabsi laga qabo in xiisada taagan dagaal isku bedesho.