Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug oo kulan isugu yeedhay Xuldhibaanada maamulkaas

Dhuusamareeb (own) – Wararka naga soo gaadhaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maanta Xildhibaanada cusub ee baarlamaankii labaad dowlad Goboleedka Galmudug kulan-koodii ugu horreeyey ay ku leeyihiin magaaladaasi.

 

Kulanka oo ah mid muhiim ah ayaa wararku ay sheegayaan inuu isugu yeedhay  xildhibaanada Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.

 

Sidoo kale waxaa lagu wadaa  in Xildhibaanadu kulankan ay iska dhex doortaan Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

 

Doorashada ayaa la filayaa in la qabto dhowaan, inkastoo shalay Musharraxiinta qaar ay dalbadeen in dib loo dhigo illaa 21 cisho, si ay ula kulmaan xildhibaanada Galmudug

 

Saddexda musharrax ee kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye oo isbaheysi Sameystay ayaa soo saaray qoraalkaasi iyaga oo sidoo kale walaac ka muujiyey sida ay haatan wax ku socdaan.

 

Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed, kaa soo saameyn ku yeeshay dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker