War Deg-Deg Ah Madaxweynaha Wadanka Eretrea Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ayaa Hadda Soo Gaadhay Kana Soo Degey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Muqdisho-(OWN)-Madaxweynaha Dalka Eretrea, Issias Efowerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne, Efowerki, iyo wafdigiisa oo hadda salaam sharaf ka qaadanaya Cutubyo ka mid ah Ciidamada Booliska Soomaaliyeed qaybta Baambayda, ayaa lagu wadaa in loo soo gudbiyo Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda ugu sarreysa Dalka.

Waa booqasho Taariikhi ah, taasoa ah middii ugu horreysay ee Madaxweyne ka socda Dalka Eretrea uu ku yimmaaddo Dalka Soomaaliya, waxanay tallaabbadani qayb ka tahay dedaallada is-dhex galka siyaasadeed iyo tan Bulsho ee waddamada Geeska Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker