Maxaad ka Taqaanaa 10 ka Ciyaartoy Ee Haweenka Adduunku Ugu Jecel Yihiin
Halyeygii hore ee xulka qaranka England ee David Beckham ayaa noqday ciyaartoyga ay ugu jecel yihiin Haweenka dduunku, waxaanuu ka sare maray Paulo Gazzaniga oo kaalinta labaad kasoo galay liiska tobanka ciyaartoy ee ay gabadh walba jecelaan lahayd inuu gacaliyaheeda noqdo.
Codbixin laga qaaday 1,000 haween ah, ayaa waxay muujisay in Beckham uu yahay ninka ugu soo jiidashada badan ee ay ka helaan dumarku, waxaanu codadka urursaday afar meelood marka loo qaybiyo hal-meel, laakiin Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa halka ugu hoosaysa ka galay liiska.
Aftidan oo ay qaadday barta Ticketum.com, waxay muujisay in Sergio Ramos uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda aanu qaabkoodu qancinin dumarka, sidaas oo kalena Lionel Messi oo ay shaxshaxdiisa iyo qaabka lebbiskiisu liito marka uu bannaanada garoonka joogo ayaa kaalinta 9aad u dhacay.
Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa lebbiskiisa, baabuurta quruxda badan ee uu ku damaashaado iyo shaxshaxdiisa garoonka gudihiisu ay waxba uga tari waayeen inuu meel fiican kasoo galo liiska ciyaartoyda ay dumarku ka helaan, waxaana kaliya ka hooseeya Ramos iyo Messi, isaga oo kaalinta siddeedaad ku jira.
David Beckham ayay dad badan filayeen inuu meel fiican kasoo geli doono ciyaartoydan, balse cidina may saadaalin karaynin in goolhayaha labaad ee Tottenham ee Paul Gazzaniga uu ka sare mari doono Cristiano Ronaldo, Ramos, Messi, isla markaana uu kaalinta labaad cidhiidhsan doono.
Shaqsiga kaliya ee hawl-gabka ka ah ciyaaraha ee ku jira liiskan ee codadka ugu badan helay ayaa ah David Beckham, laakiin dhamaan sagaalka ciyaartoy ee kale ayaa ah laacibiin waqtigan ciyaaraha kusii jira.
Taageereyaasha kooxaha Liverpool ayaa codadka ugu badan ka dhiibtay aftidan, waxaanay ku yeesheen 25%, waxaana kusoo xigtay Chelsea oo 20% codadka dhiibtay, halka taageereyaasha Manchester United iyo Arsenal ay saddexaad iyo afraad kala galeen oo ay 18% iyo 17% codadka dhiibteen.
Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee dumarku ugu jecel yihiin iyo tirada codadka boqolleyda ee uu mid kastaa helay:
1.) David Beckham (Mulkiilaha Inter Miami) – 21.25%
2.) Paulo Gazzaniga (Tottenham Hotspur) – 15%
3.) Ruben Loftus-Cheek (Chelsea) – 13.75%
4.) Andre Gomes (Everton) – 11.25%
5.) Marco Asensio (Real Madrid) – 8.75%
6.) Olivier Giroud (Chelsea) – 7.5%
7.) Gerard Pique (Barcelona) – 7.5%
8.) Cristiano Ronaldo (Juventus) – 6.25%
9.) Lionel Messi (Barcelona) – 5%
10.) Sergio Ramos (Real Madrid) – 3.75%




