Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Magacaabo Guddiga Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu dhawaan magacaabo guddi gaar ah oo uu ugu tallo galay inay noqdaan guddiga wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya u matalaya JSL.

Wararka ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu ku jiro ka baaraan degga xubnaha uu u xulayo inay hoggaamiyaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo inkastoo ay hadda ku jiraan hakad, haddana ay dawladda Itoobiya dabada ka riixayso.

Wararka ayaa sheegaya in guddigu u badnaan doonaan aqoonyahano reer Somaliland ah oo qaarkood hore uga qayb galeen wada hadalada, xilligii uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayay, waxaana wehelin doona xubno siyaasiyiin ah. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa la filayaa inuu guddiga u noqdo guddoomiye.

Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan sheegay inaanu jirin shir qorshaysan oo ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa la fahansanyahay inuu culays saarayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya inay qabsoomaan, isagoo markii u horaysay bishii February kulan isku horfadhiisiyay Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker