Shirweynihii Xisbiyada Itoobiya iyo Kalamaanka Maguuraanka ah

Odhaahda Maanata (Talk of the Town)

 

Shirweynihii Xisbiyada Itoobiy iyo Kalamaanka Maguuraanka ah

 

Maanta oo bisha Ogusto tahay 23, 2020, waxa Addis Ababa ka furmay shirweyne loogu magac daray wada xaajooda xisbiyada Itoobiya.

 

Isla xiligaas, magaalada Jigjigja waxa ka socday kubada cagta oo madaxda cuslaatay iyo ganacsatadu isaga horyimaadeen – wakhti dhaafis! Jawiga labada magaalod waxaad moodaa in aanay iswaafaqsanay.

 

Waxa la kala yahay meel culayska siyaasadeed moogan iyo magaala madaxda oo arimo culus looga xaajoonayo.

 

Waxa shirka lagu furay daraasad ama warqad (paper) uu soo bandhigay Professor Marara Gudina oo Oromo ah. Waxa uu si dagan oo xeelad iyo u tudhis ba leh uga sheekeeyay jaranjarooyinka dheer ee la soo maray in Itoobiya noqoto amay ay ku raadinayso in ay noqoto dal iyo dawlad mid ah. Walina wey la tacaalaysaa ayuu professorku sheegay.

 

Waxa uu ka soo bilaabay yagleelka dawladnimo ee imbradooriyada Itoobiya Boqor Towdors oo loo ictiraafsanyahay in uu yahay boqorkii casriyeeyey oo mideeyey Itoobiyada buuralayda ah. Waxa uu tibaaxay dhibtii loogaystay Boqor Ilyaas oo hayb sooc diimeed lagu sameeyey.

 

Marku Xayleyaashii iyo dilaagi Meles dul maray ayuu si qurux badan isu dul taagay R/W Abiy iyo sida isan u uraacay jidkii kuwii ka horeeyen. Waxa uu carabka ku dhuftay in R/W burbur weyn oo kala tag ah u ku keeni karo Itoobiya.

 

Isagoo xeelda luqda la jilciyo hadana fariin-qaniga ah isticmaalya ayuu soo xigtay Amxaarta mayalka adag e R/W Abiy u riixda hirgalinta fakirka iyo mabda’ axmaarada. Waxa uu ku soo gabo gabeeyey hadalkiisa weed hanjabaad ah uu Abiy dhawaan yidhii oo ahay sidan: “cidii midnimad Itobiya diida ma wiiqisa, mark ahore aniga iyo qawadeyda ha ka adkaadeen.”

 

Waxa uu R/W Abiy u hadlay si u eg hadaladii Mengistu Xayle.

 

Isagoo ka argagaxsan hadalka R/W Abiy ku hanjabay, Professor Marara ayaa hadalkaas ku talaalay taageero ay siiyeen mulkiilayaasha ESAT TV oo curiya ama joogteeya fakirka ku dhisan islaweynida Amxaarda. ESAT TV waxay sheegtay sidan: waxaan u qushuucnay sida R/W Abiy diyaarka ugu yahay in uu seefta galka ka saaro si uu u ilaaliyo ama u xoojiyo Itoobiyadii isaliga ahayd.”

 

Dood dheer iyo su’alo la weydiiyey professor Marara ayaa cadeynaya in xoogaga dawlada raacsani ay aad uga biyo diideen munaaqashada professorka. Buuq iyo caanan loo jeedinayo professor ayaa ka soo yeedhaya dhinca R/W Abiy.

Bal hadaba ogay oo Marar weliba taagaas waa qolyaha aan aad ugu fogeyn qadiyada Oromoda. Masuuliyiintii aad uga doodi lahaa wey wada xidhanyihiin. Xaalka itoobiya in uu circa ku laalanyahay ayaa cad.

 

Waxa warka aan ku hayaa in ay ka qayb galeen shirka ONLF iyo xisbiyo la yidhii deegaanka Soomaalida ayey ka soo jeedaan. Dhinaca dawlada deegaanka ma filiyo in ay ka hadli doonaan madasha maadaama PP ay magaca u hadli doonto Dawlad Deegaana ka midka ah.

 

Addis Ababa dood adag ayaa ka socota. Daraasahada kale iyo hadii Soomaalidu door ku leedahay waan idin la wadaagi doonaa.

 

Marara gudina irked PM Abiy and those who look Ethiopia at the old and imperial unity prism. His presentation at the Political Parties conference was a refutation of historical eraser theory.

 

WQ: Faysal Cabdi Rooble

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker