Madaxweynaha Mareykanka oo ugu baaqay Ukraine iyo Shiinaha inay baadhaan Joe Biden

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu meel fagaara ah ugu baaqay Ukraine iyo Shiinaha inay baaraan Joe Biden iyo wiilkiisa.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden ayaa ugu cadcad tartanka ay Dimuqraadiyiinta ugu jiraan doorashada madaxtinimada ee 2020, waxa uuna udub dhexeed u yahay dedaalka lagu doonayo in xilka loogaga qaado Mr Trump.

 

“Shiinaha waa in uu baaritaan ku bilaabaa laba Biden,” ayuu yidhi Mr Trump, isagoo ka hadlayay wiilka Mr Biden ee lagu magacaabo Hunter.

Dimuqraadiyiinta ayaa waxa ay madaxweynaha Mareykanka ku eedeeyeen inuu deeqda milateri u isticmaalay qaab uu ku cadaadiyo Ukriane si ay usoo qufaan xumaha Mr Biden.

 

Wicitaan dhanka taleefanka ah oo 25-kii July dhexmaray Mr Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa waxa uu horseedday inay cabasho muujiyaan koox ka shaqeysa sirdoonka oo xogta bixiyay taas oo sababtay in laga hadlo xilkaqaadista Trump.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker