Urur Goboleedka IGAD oo warbixin ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee Sudan

Xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee iminka ka jirta Sudan, waxa uu sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda dalkaas.

Xoghayahu waxa uu si kulul u cambaareeyay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dowladda KMG ah, waxa uu ku baaqay dhamaan dhinacyada inay dulqaad muujiyaan.

Wuxuu ku adkeeyey in si dhaqsi ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, iyo dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasadda ee xiran.

Sudan waxa ay iminka heysaa hogaanka meertada ah ee Urur Goboleedka IGAD, waana xubin muhiim ah oo ka mid ah aas aasayaasha IGAD, iyadoo ururka uu garabtaaganyahay uuna taageersanyahay shacabka iyo dowladda KMG ah ee Sudan, si loo xoojiyo guulaha Nabadda iyo demoqraadiyadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker