“Furitaanka Ururadda: Ma Run Baa Ma Riyaa?” Siyaasi Cali Guray.

Muddo yar ka hor Doorashaddii 31 May dalka ka qabsoontay Golaha Wakiiladda ee 16ka sanadood fadhiyay waxay fadhigoodii ugu dambeeyay ku soo gebogabeeyaan nuqul qabyo-qoraal ah oo Xeerka Furitaanka Ururadda Siyaasadda ku saabsan. Ka dib markii Goluhu ansixiyay xeerka waxay u gudbiyeen Guurtidda oo ilaa hadda uu hor yaal balse aan ka gudanin waajibkoodii dqstuuriga ah ee hoosta dhigay. Hadii arinka xeerkani caadi ahaan lahaa Guurtiddu sabab la’aan hoosta may dhigteen oo wakhti ku filan way haysteen oo ay kaga bogtaan kuna ansixiyaan si ay ugu celiyaan Wakiiladda oo sharci ahaan iyagu u gudbin lahaa Madaxwaynaha. Sida aan filayo nuqulkan qabyo-qoraalka ahi markiisa muu ahayn mooshin sharci oo curintiisa ay lahayd xukuumaddu waayo xukuumadda ayaa daba socon lahayd Guurtiduna hoosta may dhigteen. Sidaa daraadeed wuxu noqonayay mooshin curintiisu ay ku koobnayd Xildhibaannadda Wakiiladda qaarkood in xaga madaxtooyada laga soo taabtay iyo in kalena mooyi.
Markaa yaa og in uu ahaa keliya fariin gaar ah oo ku wajahnayd Xisbiyadda Mucaaridka uun oo lagu hubsanayay dareenka ay ka qabaan xili la og yahay in muddo kooban uuni ay ka hadhsantay dhici taankii shahaadadaha xisbinimada ee sadexda xisbi. Hadii aan xal kale la gaadhin inta ka horaysa dhicitaanka shahaadadaha xisbinimada sadexda xisbi oo wakhtigu ka dhacdo markaa sadexdan xisbi waxay dib ugu noqon doonaan heerkii ururada sharci ahaan. Markaa maxaa xal ah ilayn waa la og yahay oo doorasha madaxtooyada waxa tartami kara uun xisbiyo qaran oo sharci ah ee ururo siyaasadeed ma geli karaan doorasho madaxtooyo eh. Dabcan waa laba mid: ta hore in sadexdan xisbi loo helo sharciyad ay ku sii ahaan karaan xisbiyo qaran ka dib marka ay ka dhacaan shahaadaduhu iyo in inta ka horaysa dhicitaanka shahaadadaha sadexda xisbi la helo Xeer lagu furan karo ururo siyaasadeed oo tartan la geli kara sadexdan xisbi si sadex xisbi qaran oo shar.ci ahi uga soo baxaan. Wixii kale ee aan labadaa midna ahayn waa mugdi uun wax la fahmi karona maaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker