Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israel oo isagoo Meyd ah laga dhex Helay Gurigiisa

Tel Aviv (OWN) – Warbaahinta Israel ayaa warineysa in gurigiisa laga helay isagoo meyd ah safiirkii Shiinaha u fadhiya magaalada Tel Aviv, mana jirto sabab la ogyahay oo ka dambeysa dhimashadiisa.

 

 

Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii safiirkaan la magacaabay, wuxuuna kasoo shaqaayey wadanka Ukraine ka hor inta aan la keenin Israel.

 

 

Mr. Du Wei oo da’diisa lagu sheegay 58-jir ayaa meydkiisa laga helay sariirtiisa iyadoo booliiska ay durba billaabeen baaritaanno arrintaan la Xidhiidha, waxaana jirta in ilo wareedyo caafimaad ay mid ka mid ah taleefishinada Israel u sheegeen inuu mas’uulkaan geeriyooday isagoo hurda.

 

 

 

Shaki badan ayey dhalin kartaa dhimashadiisa maadaama la ogyahay inuu si cad u dhalleeceeyay wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo Shiinaha ku weeraray qaabka ay ula tacaaleen fayrus-ka dunida dhibaateeyay ee Corona.

 

Safaaradda uu masuulka ka ahaa Mr. Du Wei ayaa dhalleeceysay hadalka kasoo yeeray Mike, waxaana lagu daabacay wargeyska Jerusalem Post.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker