Dhinacyadi oo isku Khilaafsanaan Awooda Afghaanistaan oo Heshiis Gaadhay

Madaxweynaha dalka Afghanistan, Asharaf Ghani iyo Abdullah Abdullah oo kula tartamay doorashadii Madaxtinimada kadibna ku eedeeyey Ghanni inuu ku shubtay doorashada, ayaa maanta lagu wadaa in ay saxiixaan heshiis awood-qeybsi ah.

 

 

Heshiiskan ayaa laga rajo qabaa inuu soo gaba gabeeyo khilaafkii siyaasadeed ee dowladda, islamarkaana uu waddada u xaadho in la billaabo wadahadallo ay xukuumadda Afghanistan la gasho kooxda Taliban, si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee waddanka ragaadiyay.

 

 

Wargeyska The New York Times oo helay nuqul ka mid ah heshiiska ayaa sheegay in Abdulla Abdullah uu hogaamin doono wadhadallada ay dowladdu la furi doonto Taliban, in isaga iyo madaxweyne Ghani ay soo magacaabi doonaan tiro isla eg oo ka mid ah golaha wasiirrada, iyo in uu qeyb ku yeelan doono magacaabista gudoomiyaasha gobollada.

 

 

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaase ahaan doono madaxweynaha waddanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker