Baarlamaanka Dalka Botswana oo dhamaantood la Karantiimeeyay

Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Botswana Oo loo Karantiilay Shaki la Xidhiidha Coronavirus.

Baarlamanka dalka qaarada afrika ku yaalla ee Botswana oo ka kooban 64 xubnood ayaa galay karantiil, ka dib markii dhakhtar baaritaan marsiiyay isagii laga helay Coronavirus.

Mudanayaasha baarlamaanka Botswana oo uu ku jiro madaxweynaha Mokgweetsi Masisi ayaa la karantiilayaa 14 maalmood oo laga baadhi doonaa cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’, ka dib markii dhaqtar caafimaadkooda baadhayey isaga laga helay cudurkan

Dhaqtarka ayaa hubiyay heerkulka qaar ka mid ah Xildhibaanada Arbacadii intii lagu guda jiray fadhiga gaarka ah ee baarlamaanka, kaasoo looga doodayey soo jeedinta madaxweynaha ee ah in lagu kordhiyo xaalada degdeg ah lix bilood.

Wasiirka Caafimaadka, Lemogang Kwape, ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxweynaha la karantiilay, lana hubinayo iney qaadeen cudurka COVID-19.

Dawlada Jabuuti Oo Shaacisay Qofkii Ugu Horeeyay Ee ku Dhintay Corona-virus.

Dawlada Jabuuti ayaa xaqiijisay maanta in qofkii u horeeyay uu gudaha dalkaasi ugu dhintay caabuqa Coronavirus,waxayna sidoo kale ay dawladu sheegtay inay diiwaan galisay 5 qof oo laga helay xanuunka halista ah ee Coronavirus, taasoo wadarta guud ee dadka uu haleelay caabuqan ee ku nool Jabuuti ka dhigaysa 140 qof .

Saraakiisha caafimaadka Jabuuti ayaa sheegtay in qofka dhintay uu ahaa bukaan yaalay isbitaalka Alraxma, lagana dabiibayay wadno xanuun dheeraad ah oo uu horay u lahaa islamarkaasina uu xanuunka Coranavirus uu ka qaaday dhaqaatiirtii la tacaalaysay xanuunkiisa, sidaasina uu ku geeriyooday
Marxuumkaasi.

Wasaarada caafimaadka Jabuuti ayaa Warsaxafadeed ay soo saaratay ku sheegtay in maanta caabuqa Coronavirus laga baaray 293 qof oo laga shikisanaa, kuwaasoo laga helay 5 ka mid ah Covid-19 baaritaanka kadib

 

 

Sidoo kale wasaarada Caafimaadka ayaa xustay in 5ta qof ee laga helay ay 3 ka mid ah caabuqa ka qaadeen dad horay u qabay oo ay xiriir la sameeyeen halka 2da qof ee kalena ay ku sheegtay wasaaradu kiisas cusub, waxana dadka laga helay caabuqa Corona-virus ee ay xaaladoodu halista tahay la dhigay Isbitaal ku yaala Carta, halka inta kalena lagu hayo xarun lagula socdo xaaladooda caafimaad.
Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo ku qoran luqada Faransiiska.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker