Dhegayso:Maamul Goboleedka Jubaland oo Dowladda federaalka ku Eedeysay Xadhiga Gudoomiyihii Garbo-haaray

Madaxtooyada Maamulka Gobboleedka Jubaland ayaa si kulul uga hadashay xadhig shalay magaalada Garbahaareey loogu geysteen gudoomiyihii degmada Garbahaareey ee Gobbolka Gedo Iimaan Caddow Kaarshe.

kaasi oo la sheegay in isagoo gacmaha ka jeebaysan loo duuliyay magaalada Muqdisho.

 

Arrintan ayaa imaanaysa xili maalmihii lasoo dhaafay ay magaalada Garbahaareey ku sugnaayeen saraakiil ka amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Gudoomiye ku xigeynka Maamulka Gobolka Gedo Mucalimu iyo saraakiisha ciidamada xasilinta gobbolka Gedo ee ka amar qaata dowladda federaalka.

 

 

Madaxweynaha ku xigeynka koobaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa arrintaasi ku tilmaamay fal afduub ah, isagoo ka digay in dhibaato ay dhacdo.

 

 

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeynka koobaad ee Jubaland oo sidoo kale ka hadlay fataahado ay wabiyada Juba iyo Daawo ay ka gaysteen qaybo ka tirsan gobbolka Gedo isaga oo sheegay in aan gargaar loo fidin deegaanadaas.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker