Dadka Uu Ku Dhacay Covid19 Ahaan Soomaaliya Oo Ku Dhawaatay 1,000 Qof.

Dr. Fawziya Abikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka oo  bulshada la wadaagtay xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19, ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu danbeysay la xaqiijiyey 55 xaaladood ee cusub oo COVID-19 ah. 41 ka mid ah waxaa laga helay Gobolka Banaadir, 13 xaaladood Maamulka Puntland iyo 1 xaalad laga helay Maamulka Hirshabelle. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 928 xaaladood, waxaa geeriyooday 5 bukaan, waxaana bogsaday 19 bukaan.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixita ku sheegtay in 5 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 19 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (41) Puntiland, (13) iyo Hirshabeelle (hal) ruux. 37 kamid ah bukaannada cusub ayaa la xaqiijiyay inay rag yihiin 18 ayaa haween ah.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 928 guud ahaan 44 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana ka bogsatay 106 qof.

Wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijisay in COVID-19 uusan xuduud laheyn, qof kasta, da’ kasta, lab iyo dhadig uu si isku mid ugu dhici karo, waxayna ku baaqday in qof kasta uu mas’uuliyad dheeraad ah iska saaro hannaanka xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo xoogga saareysa in la ballaariyo hannaanka bulshada looga baarayo cudurka ayaa maanta daah furtay hab cusub oo Mobile-ka lagu degsanayo kaas oo sahlaya in dadka isaga shakiya COVID-19 ay si dhaqsa ah ku helaan talo iyo gurmad caafimaad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker