Taliska Guud ee Ciidamada Amisom oo ka Arrinsanaya Diyaaradii ku Burburtay Magaalada Bardaale
Muqdisho (OWN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagaga hadlay diyaaradii maalin ka hor ku Burburtay Garoonka Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay ee Dalka Somalia.
Qoraalkan oo uu soo saaray madaxa guud ee ciidanka AMISOM, ahna wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa lagu sheegay inay fududeyn doonaan Baadhitaanada socda, si loo cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi.
Sidoo kale AMISOM ayaa tacsi u dirtay qoysaska iyo ehellada lixdii qof ee ku dhintay shilkaasi diyaaradeed.
Warka ka soo baxay xafiiska Madeira ayaa sidoo kale lagu sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
“Diyaaradda ka Tegtay Baydhabo, waxaa saarnaa lix qof, waxayna ku sii jeedeen Bardaale, oo 300km waqooyi galbeed kaga toosan Caasimadda Muqdisho, hawlgalka Midowga Afrika ayaa soo dhaweynaya go’aanka ay gaareen Hoggaamiye-yaasha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.”
Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu yiri “Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaanada looga goleeyahay in lagu cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi.”
Shalay ayey aheyd markii wafdi ka socday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay gaadheen goobta ay ku dhacday diyaarada oo ah degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaan haatan socda baadhitaano dheeraad ah oo ku aadan, sida uu u dhacay shilkaasi.




