Taliska Africom waa lagu Xisaabtami Doonaa Somalida ay Laynayaan,, Xildhibaanad Ilhaan Cumar

Washington (OWN) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa hoggaamineysa hindise Taliska AFRICOM lagula xisaabtamayo dilalka ay duqeymahooda u gaystaan shacabka ku sugan gudaha Soomaaliya, sida ku cad warqad ay heshay Oodwaynemedia
Waxaa jira farqi weyn oo dhaxeeya khasaaraha shacabka ee taliska AFRICOM uu weriyo iyo midda ay diiwaan geliyaan ururada u dooda xuquuqda aadanaha sida Amnesty International.

Ilhaan Cumar iyo toddoba wakiil oo kale tirsan Congress-ka Mareykanka, oo gebigood dimoqraadi ah ayaa saxiixay warqad loo diray militariga Mareykanka, waxaana xubnaha saxixiay ka mid ah Adam Smith, oo laga soo doorto gobolka Washington, islamarkaana madax ka ah guddiga Adeegga Ciidamada ee Aqalka Wakiilada.

Warqadda ayaa ka codsaneysa militariga inay caddeeyaan sida ay u baaraan eedeymaha la xiriira khasaaraha shacabka. Warqadda ayaa sidoo kale soo jeedineysa in sharaxaad ay bixiyaan ay gacan ka gaysan karto in la ogaado sababta ay u kala duwan yihiin khasaraaha ay weriyaan iyo kuwa hay’adaha caalamiga ah.

Eedeymaha la xidhiidha khasaraha shacabka ee duqeymaha Mareykanka ayaa sare u kacay tan iyo markii maamulka Trump uu 2017-kii siiyey AFRICOM dabacsanaan la xidhiidha habka loo fuliyo weerarada ka dhanka ah mintidiinta Soomaaliya.

Kadib markii la qafiiyey xeerarka fulinta duqeymaha, waxaa sare u kacay warbixinada la xiriira khasaraaha shacabka ee ay diiwaan gelinayaan hay’adaha xuquuqda aadanaha, weriyayaasha gudaha iyo kuwa dibedda iyo siyaasiyiinta iyo saraakiisha Soomaalida.

“Waxaan kugu boorineynaa in sida ugu macquulsan ee waafaqsan ilaalinta akhbaaraadka sirta ah aad faah-faahin uga bixiso sida loo qiimeeyo loona qiro dilalka shacabka, iyo sida ay u kala duwan yihiin qiimeyntiina iyo tan ururada kale,” ayaa lagu yiri warqadda oo loo diray taliyaha taliska AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend.

“Marka warbixinada ay ka yimaadaan ururo aan dowli ahayn, oo horumarsan la iskuna haleyn karo islamarkaana leh dhaqan iyo awood luuqadeed, khasaaraha shacabka ma ahan kuwa si fudud la isaga indho-tiro,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

AFRICOM ayaa dhammaadkii bishii March soo saaray warbixinta rubaca koowaad ee sanadka ee khasaraaha shacabka ee duqeymaha Soomaaliya iyo Libya, taasi oo lagu qirtay in weerar Soomaaliya ka dhacay 23-kii February 2019 lagu dilay laba qof oo rayid ah, islamarkaana lagu dhaawacay saddex kale.

Warbixintan laguma xusin khasaaraha shacabka kasoo gaadhay weerarada dhulka ee ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay la fuliyaan guutada Danab ee ciidanka Soomaaliya, oo Mareykanka ay tababareen.

AFRICOM waxay sheegtay inaysan mas’uul ka ahayn weerarada ay fuliyaan ciidamada saaxiibka la ah, mana qiran inay weerar dhanka lugta ah ka fuliyaan Soomaaliya.

Hoos ka aqriso warqadda ay Ilhaan u dirtay AFRICOM

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker