Siyaasi Jawar Maxamed oo ka Digay Khatarta kasoo Socota Go,aanka Ismaamulka Tigraay ee Ethiopia

Addis Ababa (OWN) – Jawar Mohammed, oo ah nin u dhaqaaqa arrimaha qowmiyadda Oromada dalka Itoobiya, ayaa ka digay in Geeska Afrika uu wajahayo xasilooni darro kasoo socota Itoobiya kadib go’aanka ay ku dhowaaqeen Tigray-ga dalkaas.

Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyin la qorsheeyey bisha August sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

“Go’aanka Tigray wuxuu xasilooni darro ka abuuri karaa gobolka geeska Africa oo dhan, ma ahan Itoobiya kaligeed. Mas’iiliyiinta Tigray iyo kuwa federaalkuba waa kuwa aan si saxan u fakarin,” ayuu yiri Jawar Mohammed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Si kastaba, Jawaar, oo hadda ka hor ay is qabteen dowladda, ayaa u muuqda inuu fikir ahaan raacsan yahay Tigray-ga.

Ad by Valueimpression
“Gobolka Tigray wuu go’aansan karaa inuu qabto doorashooyin, wuxuuna xaqiiqdii leeyahay awood uu ku qabto doorasho,” ayuu yiri Jawar Mohammed.

Sidoo kale, William Davison oo ah fallanqeeyaha ugu sarreeyaa Itoobiya ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa sheegay in go’aanka ay TPLF ku qabanayaan doorashooyin ka hor dalka intiisa kale uu noqon karo mid halis ah, sababo la xiriira sharci cad oo arirntan ku saabsan oo aan jirin.

“Waxay halis gelineysaa inay sii dheereyso xasaradihii siyaasadeed ee Itoobiya, sababtoo ah sharciyada ay gobollada ku qaban karaan doorashooyin, ayaga oo aan fasax ka haysan dowladda federaalka waa kuwa aan kala caddeyn oo lagu muransan yahay,” ayuu yiri.

TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.

PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka PP Awelu Abdi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker