Dawlada Kenya oo ka hadashay Diyaaradii shalay ku Dhacday Garoonka Bardaale ee Somalia

Nairobi (OWN) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay diyaarad ay leedahay, islamarkaana u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo shalay galab ciidamada Itoobiya ay ku soo rideen agagaarka garoonka degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Warka soo baxay Kenya ayaa waxaadowladda federaalka looga dalbaday in ay baaritaan dhab ah ku sameyso sababta loo soo diray diyaaraddaasi oo siday shixnad gargaar ah.

Sidoo kale Kenya ayaa ka dalbatay beesha caalamka inay qeyb ka noqoto oo ay la socoto baaritaankaasi, si loo ogaado waxa keenay in la soo rido diyaada

.

Shilkaan diyaaradeed ayaa waxaa ku nafwaayay dhammaan dadkii saarnaa oo lix qof ahaa, kuwaas oo kala ahaa aptan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid C/laahi Maxamed.

Dhinaca kale waxaa laha yaabaa in dhacdadaan ay sii hureyso xiisada u dhexeeya wadamada Kenya iyo Itoobiya oo iyadi lagu eedeeyey inay soo riday diyaaddaasi.

Raashid Cabdi oo ah falanqeeye ka faalooda arrimaha gobolka, gaar ahaan geeska Afrika ayaa sheegay in suuragal ay in dhacdadaan ay sare xiisada labada dal, maadaama aaga ay diyaaradu ku burburtay ay maamulaan ciidamada Itoobiya ee lagu eedeeyey shilkaasi.

“Kenya iyo Itoobiya ayaa u karaar-qaadanaya dagaal. Aag ay maamulaan ciidamo Itoobiyaan ah in ay kusoo dhacdo diyaarad ganacsi oo Kenya laga leeyahay waxay muujineysaa hoos u dhac cusub.” ayuu yiri Raashid qoraal soo dhigay Twitter-kiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker