Soomaaliya: 70 Kiis Oo Coronavirus Oo La Helay Halka Dhimashadu Ay Gaadhay 31

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa u bandhigtay umadda Soomaalyeed xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19.

Wasiiraka ayaa 48kii saac ugu danbeesay xaqiijisay 70 xaaladood oo COVID-19 ah iyadoo 67 xaaladood laga helay Gobolka Banaadir, halka 3 xaalad laga helay Maamulka Somaliland.

 

Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 671 xaaladood, waxaa geeriyooday 3 bukaan, waxaana bogsaday 3 bukaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xaqiijisay in ay ka go’antahay dowladda la dagaalanka iyo xakameynta caabuqa safmarka ah ee COVID-19.

 

Wasiirka ayaa cadeesay in ay socdaan dadaallo sare loogu qaadayo baaritaanada caabuqa lagana bilaabay Muqdisho howlo baaritaano guud oo isdaba joog ah si loo ogaada baaxada caabuqa.

Wasiirka waxa ay bulshada u xaqiijisay warbixinada dhimashada caabuqa inay tahay mid u gaara dadka lagu xaqiijiyay sheybaar ee aanan qof walbo oo dhintaa la dhihi karin wuxuu u dhintay COVID-19.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker