Danab 5 Qof oo isku Qoys ah ku Dilay Deegaan u dhaw Dhuuso mareeb

Dhuusamareeb ( OWN) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa sheegay in biriq ku dishay  ugu yaraan 5 ruux oo qoys ah sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.

 

 

Saacadihii la soo dhaafay ayaa roob xoogan waxaa uu ka da’ayay Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoostaga, waxaana Shan Qof oo isku qoys ahaa ay ku geeriyoodeen  Danab ku dhacday Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Innamid oo 35-km jahada Barri kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

 

 

Danabka ayaa ku dhacday reerka oo ka koobnaa 7-qof iyadoo isla goobta ku dishey afar caruur ah , hooyadii reerka, sidoo kalana waxaa dhaawacmay  mid ka mid ah caruurta sida dadka deegaanku sheegayaan halka qof kalana la la’yahay nolol iyo geeri.

 

 

Qaar kamid ah dadka deriska la ah qoyskaas Danabku  ku dhacday Gurigooda ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga naxeen musiibada ku dhacday dadkaas, iyaga oo gurmad u sameeyey qoyska si loo helo halka qof ee maqan.

 

Roobab xooggan oo watay Danab iyo Onkod ayaa abaara shantii saac ee habeeno ka bilaawday Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos taga waxa uuna istaagay wax yar uun ka hor salaadii subax ee saaka sida dadka deegaanka ku waramayaan.

 

 

Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanka uu Danabku  ku dhacday ay booqdaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka ku nool deegaankaas ulana kulmaan Ehelada qoyska dhibaatada gaadhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker