Sh Maxamed Cabdi Umul oo ka hadlay in Meherka lagu Sameyn karo Qaab online ah

Cudurka Corona ee halakeeyay caalamka ayaa qeyb kasto oo ka mid ah noolasha saameyn ku yeeshay. Waddamo badan ayaa xayiraado soo rogay, waxay bahda caafimaadkana ku taliyeen in la kala foogaado iyo in aan gacmaha la isku salaamin, kuwaasoo dhamaantood lid ku ah waxyabaha la sameeyo marka ay lamaanahu is guursanayaan.

 

 

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo BBC-da ay arrintan ka wareysatay ayaa sheegay in aysan daruuri ahayn in xaflad aroos la dhigto.”Guurka waxna waa sunne  waxna waa waajib, waxa waajibka ah ayaa ah waalidka gabdha guurinaya, labo makhraati, sheekha maherinayo iyo lamaanaha isguursanaya intaas wixii ka siyaadsan waa iska sunna, haddii laga maarmi wayay intaas ayaa arooska inuu  qabsoomo ku filan,” ayuu yidhi Sheekh Umal.

 

 

Maadama la yidhi cudurka Covid-19 wuxuu ku faafaya kullamada dadka Sheekh Umal wuxu sheegay inay wanaagsantahay in la raacO tallada bahda caafimaadka, oo ay Dadku Kala Fogaadaan

 

 

”Ciddii ka maarmi weyda in iyadoo daruuftan ay jirto wax guursata, waa in ay illaaliso fayadhowrka ama talloyinka, shareecadana ma adkeyneyso oo wa ay fududeyneysa oo dad qarash badan ka bixi jiray maanta inay u fududaato ayaa laga yabaa,”Sheekha wuxuu intaasi ku daray in dadka ay ka fiijignadaan oo xanuunkan aanan la fududeysan.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker