Kalfadhiyadii Baarlamaanka Somalia oo Dib Loo dhigay,, Balse waa Maxay Sababtu?

Muqdisho (OWN) – Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay Kal-fadhiga 7-aad ee labadaasi gole.

 

 

Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada guddoomiye ayaa waxaa lagu sheegay inay qaateen go’aankaasi, si loo ilaaliyo bad-qabka xildhibaanada iyo senatorada.

 

 

Sidoo kale labada guddoomiye oo haatan ku xayiran dalka Turkiga ayaa qoraalkooda waxay ku shaaciyeen in markii ay xaalada caadi ku soo noqoto la furi doono kulamada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 

 

Kal-fadhiga 7-aad ee labada gole ayaa waxaa lagu waday in la furo 20-ka bishaan April ee sanadkaan 2020-ka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla.

Dib u dhaca ku yimid furitaanka fadhiyada labada Aqal ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo xileedka baarlamaanka uu gabagabo yahay, laguna sii dhawaanayo xilliga loo asteeyey doorashada 2020 illaa 2021-ka oo haatan walaac fara badan laga muujinayo.

Halkaan hoose ka aqriso:-

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker