“Mudane madaxweyne waxa sharaf iyo taariikh kuu ah inaad dalka ka hirgelisay taariikhda markii u horeysay nidaamka Qandaraasyada ee daaha-furan

Hargeysa (OWN)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu yahay madaxweynihii u horeeyey ee dalka ka hirgeliyey Nidaamka Qandaraasyada dowliga ah ee muwaadiniinta dalku si siman ugu tartamaan.

 

Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen oo khudbad ka jeediyey munaasibad madaxweyne Biixi xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo loo hirgeliyey Guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxa uu Md Muuse Biixi ku ammaanay kor u qaadista tayada shaqo ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo uu ku tilmaamay mid ka tarjumaysa Siyaasaddiisa hoggaamineed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker