Diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka oo gaaray Israa’iil si loo soo nooleeyo xabbad-joojinta Qasa

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa maanta oo Salaaso ah booqasho ku tagay Israa’iil, taas oo ah booqasho uu ku marayo Bariga- Dhexe, taas oo uu ku doonayo in lagu soo soo nooleeyo wada-hadallada xabbad-joojinta ee Qasa, loogana wada-hadlo mustaqbalka ka dib geeridii hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar. laakiin horumar kasta oo ka hor doorashada Maraykanka ee fooda innagu soo haysa ayaa u muuqda mid aan la filayn.

Dublamaasiga ugu sarreeyay ee Maraykanka ayaa socdaalkiisan noqonayaa kii kow iyo tobnaad ee ku tagayo Bariga Dhexe tan 7-dii October ka dibna uu qarxay dagaalka Qasa.

Blinken, ayaa safarkiisa la qorsheeyey inuu qaadan doono toddobaad kaas oo uu ku tegi doono Jordan iyo Qadar.

Israa’iil ayaa sheegtay inay ka jawaawi doonto gantaaladii Bishan bilowgeedii ay Iran ku garaacday Israa’iil. Aargoosigan ayaa laga welwelsan yahay inuu khalkhal galin karo suuqyada shidaalka waxayna halis ugu jirtaa in ay sii huriso dagaal ba’an oo dhex mara dhinacyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker