Wararkii U Dambeeyey Xaaladda Magaalada Boosaaso Ee Puntland

Shalay duhurnimadii waxaa kantaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan iyo ciidan kale oo ka soo ruqaansaday degmada Carmo ee isla maamulkaasi.

Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo isugu jiray kuwa ka tirsan Daraawiishta Puntland iyo maleeshiyo beeleed waxaa hoggaaminayey Nin lagu magacaabo Ciise Yulux, waxayna doonayeen in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aanay is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda.

Inta la xaqiijiyey hal askari oo ciidankii kantaroolka ka tirsan ayaa ku dhintay isku dhacaas, halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo oo 20 gaadhi oo 16 ka mid ah yihiin kuwa dagaal watay ayaa markii dambe u suurta-gashay in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, waxayna markii ay gaadheen fariisimo ka dhigteen dhowr meelood oo ay ka mid tahay xarunta shirkadda PDG.

 

Shirkadda PDG ayaa taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF, waxaana muddooyinkii u dambeeyey taagnaa xiisad u dhaxaysey mulkiilayaasha shirkadaas iyo dowladda.

Ciise Yulux ayaa ka mid ah ragga saamiga ku leh shirkadda PDG oo tan iyo 2011 taakulaynta u qaabilsanayd ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Ciise Yulux oo ka mid ahaan jiray hoggaamiyaashii burcad badeedda Soomaalida kuwii ugu caansanaa ayaa tan iyo 2016 ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, wuxuuna ka qeybgalay dagaaladii Puntland iyo Daacish ku dhexmaray buuraha Cal-miskaat ee gobolka Bari.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa hadda caadi ah, mana jirto cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay arrintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker