Ururka Jaamacada Carabta Oo Shir Deg-deg ah ka Yeelaneysa Coronavirus Iyo Xiisadaha Yemen Libiya.
War ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur waynaha Jaamacadda Carabta Dr Mishaal bin Fahim Al-Salami,ayaa lagu sheegay in Barlamaanka Jaamacada Carabta ay yeelan doona kulan degdeg ah oo si toos ah ugu dhex-mari doona Khadka Internetka,
kaasi oo dhici doona 19-April oo ku beegan Maalinta Axada ah, kulankan ayaa looga wada hadli donaana ka hortaga faafida viruska Corona ee dunida Carabta iyo sidii wax looga qaban lahaa dadka uu saameynta ku yeeshay ee wadamada Carabta.
Madaxa Xafiiska WHO ee gobolka bariga dhexe iyo kaaliyaha Xoghayaha guud ee waaxda Arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka qeyb gali doona kulankan .
Si loo soo bandhigo xaqiiqooyinka faafitaanka viruska Corona ee ka soo ifbaxay wadamada Carabta, siyaabaha wax looga qaban karo, iyo dadaallada lagu caawinayo Shucuubta Carabta, si looga gudbo waxyeelada xanuunkan.
Sidoo kale inta kulanku uu socda , Baarlamaanka Carabta ayaa ka wada hadli doona Qaraar qabyo ah oo ku saabsan talo soo jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ee la Xidhiidhay soo saarista sharciga hanuuninta Carabta .
Ee lagu xoojinayo Caafimaadka iyo ka hortaga cudurada faafa ee dunida Carabta, iyo sidokale afar go’aan qabyo ah oo kusaabsan dabagalka dhacdooyinka wadamada Carabta qaarkood ee la soo derseen deganaansho la’aan.
Gabagabada kulanka ayaa loga arrinsandoonaa xaaladda murugsan ee Waddamada Falastiin, Suuriya, Libya iyo Yemen.




