Talo soo jeedin ku saabsan Gaadiidka Qaadka lagula wareego.

Assalaamu Caleykum
Marka hore waxaan hambalyeynayaa go’aanka ay Xukuumaddu ku dhiiratay ee ku aaddan joojinta qaadka. isagoo marka horeba qaadku dhibaato lixaad leh oon la soo koobi karin uu ku hayey bulshada Somaliland, waxa maanta  intaa dheer cudurkan dilaaga ah ee Covid19 ee Adduunyada
ku habsaday ee fara ba’an ku haya qaaraddii Afrika oo qaadkuna saameyn weyn ku yeelan karo fidintiisa.Haddaba waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa baabuurta lagu qabto qaadka ee sidaa  Lagula wareego in aan gaadiid ahaan Loo isticmaalin balse la furfuro oo dayactir (spare parts) Loo isticmaal  si aanay u dhicin in cidi ka daba  timaado ama cid ku qabsato taasoo keeni karta ama dhalin karto dhibaato

hor leh.

Waxay ila tahay in habkani furfuridda ee isticmaal DAYACTIRKU uu ka rabshad yaraado oo uu ka faa’iido badto halkii gaadiid ahaan Loo isticmaali lahaa oo baabuurtaa lagu wareejin lahaa hayad kale.

Wa billaahi tawfiiq
 Qalinkii: Faysal Xawaadle Cabdi
Birmingham UK
E-mail faysalabdi4321@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker