Dimuqraadiga oo qarka u saaran in ay la wareegaan Aqalka Sare ee Maraykanka

Xisbiga Dimuqraadiga oo afartii sanno ee inna dhaaftay laga haystay awoodda inta badan dawladda Maraykanka sida madaxweyninimada, maxkmadda sare iyo Aqalka Sare ayaa maanta waxay ku guulaysteen kursiga siinaytarka aqalka sare ee Georgia iyagoo kursiga labaadna qarka u saaran. Haddii ay labadan kursi ku guulaystaan waxay maamuli doonaan dhammaanba hay’adaha dawliga ah Maraykanka marka laga reebo Maxkmadda sare sida Aqalka Cad, Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare, taas oo siin doonta fursad ay ku samayn karaan isbeddellada uu ku taamayo madaxweynaha la doorta Joe Biden.

Doorashadan labadan kursi oo qabsoontay shalay waxa maanta la shaaciyey in uu Raphael Warnock uu ka guulaystay haweenayda maalqabeenka ah ee Kelly Loeffler taas oo xilka haysay muddo sannad ah oo kali ah.

Jon Ossoff ayaa isaguna dhibco kooban, laakiin aan la filayn in laga soo kabto, ku hoggaaminaya musharaxa dimuqraadiga ah David Perdue, kaas oo xilka siinaytarnimada hayey 5 sanno.

Haldoorkii dimuqraadiyiinta ayaa caawa dabaaldeg weyn muujinayey iyagoo Twitterka ku hahambalyeeyey Warnock qaarkoodna, sida Hillary Clinton, ay hambaleeyeenba Ossoff oo aan wali si rasmi ah guushiisa loo raacin.

Haddii ay sidaa ku socoto, guulahan bilihii ugu dambeeyey dimuqraadiyiintu gaadheen ayaan noqonaya ka mid noqonayaa kuwii ugu waaweynaa ee xisbigu gaadho taariikhdiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker