47% Soomalida Stockhlom Oo Corona Virusku Ku Dhacay “Tirakoob Cusub”
Tirakoob ay Shalay soo saartay laanta Caafimaadka ee gobolka Stockholm ee Dalka Sweden yaa lagu soo bandhigay tirada inta qof ee gobolka Stockholm laga heley fayruska corona illaa iyo lixdii bishan abriil .
Middaasi oo lagu sheegey iney dhammeyd 3143 qof, waana tiro u dhiganta 13 qof tobankii kun ee qof ee ku dhaqan gobolka Stockholm.
Dhanka kale degmada Stockholm oo ka mid ah goobaha ugu baaxadda wayn ee saameeynta uu ku yeeshay fayruska corona ee dalkaasi, ayaa laga heley tiro gaadhsiisan 1461 qof,
Iyadoona tiradii ugu badneyd ee dadkaasi ey ku dhaqnaayeen Xaafadaha Rinkeby/Kista oo horeyba uu uga jirey shaki inuu si baaxad leh ugu faafay.
Xaafadda Rinkeby/Kista ayaa tirada laga heley fayruska ey gaarsiisan tahay 238 qof, waana tiro u dhiganta 47 qof ee tobankii kunba ee xaafaddaa ku dhaqan. Xaaladda in tirada dadka qaaday fayruska ay aad u sarreeysay ayaa ahayd mid la isla dhex marayey.
Hase yeeshee iminka ay xaqiiqowday, isla markaana tahay wax lala yaabo in xaafad sidaa u yar uu iro intaa le’eg ku dhaco, sida ay sheegtay Imaan Cilmi oo ka mid ah bulshada xaafaddaasi ku dhaqan, mar ay Waraysi siisay laanta afka soomaaliga ee Raadiyaha Sweden.




