Taliska Guud ee Ciidamada Africom oo Shaaciyay inay Dileen Hoggaamiye Muhiim u Ahaa Shabaab
Muqdisho โDawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan April ka gaysteen deegaanka Bush Madina ee Gobolka Bay ay kuย dileen Sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab.
Maraykanku waxa uu war Saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntaas lagu dilay Ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis.
Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa Aasaasyaasha kooxda, isla markaana uu ahaa nin Arxan daran oo mas’uul ka ah gumaadka shacabka.
โShaqsigan wuxuu ahaa Hogaamiye muhiimย u ahaa Argagixsada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin Dagaalย badan, Arxan darran, kana masโuul ah dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa sidii hore ka Amni roon,โ waxaa sidaas yidhi Taliyaha Guud ee Ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend.
Bayaan hore oo sabtidii kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka Agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 Argagixisoย ah, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaadhin dadka rayidka ah.




