Madaxweynaha Puntland oo sameeyey xil ka qaadis & Magacaabis

Madaxweyne Deni ayaa si ku meel gaar ah ugu magacaabay G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday G/sare. Cawil Axmed Faarax iyo xeer ilaaliyihi maxkamada ciidamada.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah ugu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

 

Hoos ka akhriso Dikreetada Madaxweynaha

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis iyo magacaabis Ku Sameeyay Guddoomiyaasha iyo Xeer-ilaaliyaasha Maxkamadaha Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalo-darro oo ka imanaya mas-uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddoonka iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
Waxaa G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoomiyaha iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Kuwaasi oo kala ah:
3.1. G/sare. Cawil Axmed Faarax Guddoomiye

3.2. G/sare. Cabdullaahi Xirsi Cilmi Xeer-ilaaliye

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

 

DHAMMAAD

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker