Madaxii Saadka Qeybta 12-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Somalia iyo Xubno kale oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (OWN)– Qarax nooca Miinada dhulka lagu aaso ah  ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Agagaarka Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan.

 

Qaraxaas  waxaa lala eegtay gaadhi Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya iyo askar ilaalo u aheyd.

 

Sida la Xaqiijiyey, qaraxa ayaa waxaa ku dhintay G/sare Cusmaan Muuse Maqaarow oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Milateriga Soomaaliya isla markaasna ahaa Madaxii Saadka Qeybta 12-ka April .

 

Sidoo kale Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba Sarkaal oo kale iyo darawalkii gaariga waday, waxaana ku dhaawacmay laba Askari oo kale.

 

Warbaahinta ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay inay Kooxdaas fulisay qaraxa, inkastoo aysan weli Al-Shabaab si rasmi ah u sheegan.

 

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin qaraxaas lagu dilay saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya.

 

 

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan Muqdisho ka fuliso weeraro isugu jiro toogasho iyo qaraxyo tan iyo markii si rasmi ah looga saaray Magaalada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker