Daawo: Faaqidaada Ciyaaraha,, Chelsea Oo Kusoo Biirtay Dagaalka Manchester United Iyo Arsenal Ugu Jiraan Xiddiga Muhiim Ka Ah Barcelona

Chelsea ayaa si buuxda u Calaamadsatay xiddiga Bartilmaameedka u Noqon doona xagaaga soo socda ee ay ku xoojin doonaan khadka difaaca, waxaana kalsoonida ugu dambaysa siiyey Tababare Frank Lampard oo waaxdiisa iibka u diray inay Barcelona kasoo kaxeeyaan laacibkan.

 

 

Chelsea ayaa u baahan inay iska xoojiso dhawr meelood  oo khadka difaaca ah, dhexda iyo weerarkaba ah, hase yeeshee Tababare Lampard waxa uu hadda shaambadda Ogolaanshaha ku dhuftay saxeexa laacib ka tirsan Barcelona oo la rumaysan yahay in kooxda reer Spain ay iibin karayso haddii ay ku hesho lacag fiican.

 

 

Blues oo sidoo kale lala xidhiidhinayo difaaca kooxda Lille ee  Gabriel Magalhaes, ayaa waxay rabtaa laacib tayo iyo khibrad badan leh oo ka garab ciyaara Kurt Zouma ama Andreas Christensen iyadoo Fikayo Tomori amaah lagu bixin doono si uu usoo helo waqti fiican oo uu xirfaddiisa ku dhiso.

 

Xiddiga ay calaamadsatay ee ka tirsan Barcelona ayaa ah difaaca reer France ee Samuel Umtiti oo ah shaqsiga buuxiya boosaska Gerard Pique ama Lenglet marka midkood uu dhaawacmo ama ganaax lagu rido.

Umtiti oo booskiisa joogtada ah lumiyey markii ay dhaawacyo soo noqnoqday haleeleen, waxa hore dalabyo ugu diray Manchester United iyo Arsenal oo marka horeba dagaal ugu jiray, waxaana loollankaas cirka kusii shareeraysa calmashada Frank Lampard.

 

 

https://youtu.be/vVNzdUIGYwU?t=43

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker