Madaxweynaha DDSI Oo Booqasho ku Tegay Buuhoodle

Madaxweynaha gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa soo gaadhay Magaalada Buuhoodle, qaybta dhinaca Itoobiya, xilli uu socdaal ku marayo gobolada deegaankaasi.
Buuhoodle, ayaa kamida magaalooyinka uu maro xadka Somaliland iyo Itoobiya.

 

Madaxweyne Cagjar waxa safarkiisa ku wehelinaya, xubno kamida Golaha Wasiirrada dawladdiisa, Saraakiil Ciidan iyo Madax-xafiiseedyo.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa Dawan u sheegay in Magaalada Buuhoodle dhinaca Itoobiya si weyn loogu soo dhaweeyey, kuna sugnaan doono wakhti aan cayimnayn.

Warku wuxuu intaasi ku daray in uu goob fagaare ah kala hadlay dadweynaha soo dhaweeyey.

 

Ma cadda in ay kulmi doonaan Madaxda Gobolka ee Somaliland, si lamida wufuud hore socdaal ugu maray deegaamada xadka oo inta badan la kulmay madaxda Somaliland ee deegaamada Xadka ku teedsan.

Waa markii ugu horaysay ee uu booqasho ku yimaado Magaalada Buuhoodle iyo deegaamada hoos yimaada ee Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker