Biden iyo Trump oo foodda isku dari doona doodo kulul bilaha June iyo September

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynihi ka horreeyay Donald Trump oo hadda ah murashaxa kula tartami doono doorashada manadxtinimada ee 5-ta November ee sannadkaan, ayaa labaduba isla ogolaaday in ay laba dood-wadaag isaga hor yimaadaan 27-ka June iyo 10-ka September ee sannadkaan.

Telefishanka CNN ayaa sheegay in labada murashax ay aqbaleen in doodda hore lagu qabto istuudiyaasha CNN ee magaalada Atlanta iyadoo aysan goob joog noqon doonin sidi caadiga aheyd dhageystayaal.

Wali lama shaacin wariyaha dhex-dhexaadin doono doodda, laakin doodda labaad ee 10-ka September ayay Biden iyo Trump isla ogolaadeen in uu qabto telefishanka ABC News.

Labada murashax ayaa markiiba midbo mid kale kale ku jees-jeesay, Madaxweyne Biden ayaa qoraal uu soo dhigay Arbacadi bogga uu ku leeyahay barta X ku yiri “Donald Trump laba jeer ayaan uga guuleystay doodihi 2020-ki, wixi markaasi ka danbeeyay muusan soo xaadirin dood. hadda wuxuu u dhaqmayaa sida inuu rabo dood mar kale, hagaag, hagaaji maalinteyda saaxib.” Ayuu yiri Biden.

Trump, ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay warbaahintiisa bulshada ee Truth Social ku yiri in Biden uu ahaa “Qofki ugu doodda xumaa ee uu waligiis dood wadaag kula loollamay. Isaga oo intaasi raaciyay “Laba weerood isma dul saari karo!”

Trump, oo ah murashax ka socda xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuldarreystay inuu ka badiyo madaxweyne Biden doorashadi sannadki 2020-ki, inkasta oo uu Trump si been abuur ah u sheegto in lagaga shubtay doorashada. Muddo todobaadyo ah ayuu ku baaqayay in Biden uu kala qeybgalo doodo taxane ah ka hor doorashada sannadkan 2024-ka. Biden oo ah murashaxa dimoqraadiga ayaa dhawaan aqbalay ka qeybgalka doodda.

Arbacadi, ololaha Biden ayaa soo jeediyay doodaha bilaha June iyo September, halka ay xaqiijiyeen in Biden uusan ka qeybgaleynin dood saddexaad oo uu afarti sanaba mar soo qaban qaabiyo urur aan faa’iido doon aheyn. Doodda guddigan ayaa lasoo qabanayay 30-ki sano ee lasoo dhaafay.

Biden iyo Trump ayaa isaga hor imaa doono doorashada madaxtinimada Mareykanka ee dhici doonta deyrta soo socota ee 5-ta bisha November ee sannadkaan 2024-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker