Halkee Lagu Ilaaway Muwaadinkii Reer gebiiley Ee jabuuti Loo Gacan galliyay?

Sida aan ka war qabno mid ka mid ahaa muwaadin kasoo jeeda gobolka gebiiley ayaa loo gacan gashay dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti.
Taas oo la dhex dhigay jeel,markii danbana lagu dhex ilaaway.cabdilaahi sheikh cabdiraxmaan oo ah gebiiley pure ah,kana soo jeeda qoys sheekh ah,aabihii sheikh  cabdiraxmaan ahaan jiray sheekhii magaalada gebiiley oo dhan ama badidoodaba u dhigi jiray diinta higaada qur’aanka iyo tajwiidka ummadda iyo dalkana wax gashaday qof kastoo reer gebiiiley garanayo dadkana jahliga ka saari jiray una saari jirey dhanka nuurka.
Ayaa ilaa hadda cid ka hadashay jirin waa cabdilaahi shekh cabdiraxmaanee haddaba waxa aan ka codsanayaa dawlada jabuuti inay ninkaas iska sii dayso oo xorriyadiisa siiso.somaliland u kuur gasho sidii lagu sii dayn ninkaa reer somaliland hiilbuu u baahanyahay.
Hamse riiraash

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker