Maraykanaka oo Wada Qorshe cusub oo Suniyiinta Ciraaq Loogu Sameynayo Dal gaara

Baghdad (OWN) – Ayada oo dhinac Loo riixay, Saameynteedana ay sii yaraaneyso, ayaa dowladda Mareykanku waxa billowday qorshe ay maamul goboleed uga dhiseyso galbeedka dalka Ciraaq . kaasi oo Marka Dambena  Noqon doona dal Madax-banaan, sida ay sheegeen Saraakiil Mareykan iyo Ciraaqiyiin Isugu   jira sidaasna Waxaa Qoray   Wargeyska Middle East Eye.

 

 

Qorshaha Mareykanka ayaa jawaab u ah Dadaallada ay kooxaha Shiicada  Iraq ku doonayaan iny Ciidamada Mareykanka lagaga Saaro  dalkaas.

Iraq waxa ay buundo muhiim ah u tahay Iran oo ay ku Xidho Dalalka Syria iyo Lebanon, oo ay Shiicada ku taageerto.

 

 

Aas-aasidda maamul Sunni ah, oo Mareykanka uu maamulo oo ku yaalla galbeedka Iraq, waxay jari doonaan waddooyinkii Iran ku xiri lahaa Syria iyo Lebanon, waxayna yareyn doontaa saameynta ay ku leedahay gobolka.

 

Qorshaha Washington ay gobollada Sunniyiinta uga Goyneyso Iraq  ayaa markiisii hore soo billowday Sanaddii 2007, waxaana soo jeediyey Joe Biden, oo hadda u Sharaxan Madaxweyne, balse xilligaas ahaa Senator.

Waxaana looga dan lahaa in Sunniyiinta Iraq Lagaga bad-baadiyo rabshadaha Diinta ku saleysan ee Shiicada, oo dalka kaga tiro badan.

 

 

Hase yeeshee, diidmada dadka Iraq ee ahayd in diin ahaan loo kala qeybiyo, iyo Mareykanka oo ay ka go’neyd in la ilaaliyo midnimada dalkaas, ayaa meesha ka saaray Qorshahaas.

Hadda, oo ay xoogeysteen dadaallada ciidamada Mareykanka looga eryayo Iraq, ayaa sameynta dal Sunni ah oo Iraq laga dhex-abuuro, uu yahay mid ka mid xeeladaha Washington ay kaga hortageyso saameynta xooggan ee Iran ay ku leedahay Iraq.

 

 

Midnimada Iraq “hadda iyo wixii ka dambeeya muhiimad uma lahan Mareykanka” waxaa sidaas yiri sarkaal Shiico ah oo la hadlay Middle East Eye.

Sidoo kale sarkaal Mareykan ah, oo xog-ogaal u ah mashruucan, ayaa u sheegay Middle East Eye in Mareykanka ay qorshahan oo markii hore fikir un ahaa, hadda u beddeleen fulin.

 

 

“Sameynta gobol Sunni ah, waxay mar walba ahayd qorshe Mareykan. Iiraaniyiinta looma ogolaan karo inay gaadhaan badda Meditareeniyaanka, kana faa’iideystaan dhulka ku xidhaya Xizbullah ee dalka Lebanon,” waxaa sidaas Middle East Eye u sheegay Sarkaal Mareykan ah.

 

 

“Joogitaanka ciidamada Mareykanka waxay ahayd mid amni loogu damaanad qaadayo Sunniyiinta iyo Kurdiyiinta, sidaas darteed haddii Mareykanka lagu qasbo inay ka baxaan Iraq, Sameynta gobolka Sunni ah, si loogu caabiyo Iran waa wax meesha ku jira,” ayuu yidhi Sarkaalka.

“Waxaan ka hadleyno waa dal, ee ma aha kaliya Maamul goboleed,” ayuu yidhi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker