Dawlada Turkiga Ayaa Ergay Cusub U Soo Magacowdey Wada Hadalada Somaliya Iyo Somaliland.

Hargaysa-(OWN)-Dawlada Turkiga ayaa waxaa ay ergay gaar ah u magacowdey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya  oo hada ku jira hakad  sidaas waxaa wargeyska Geeska Africa u xaqiijiyey Ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah .

Danjire Dr Olgan Bakar oo ahaa safiirkii Turkiga u qaabilsanaa Somaliya oo ay bishan  ka dhamaatey mudaadiisii xil hayneed , ayaa markii uu ku noqdey dalka  Turkiga waxaa loo magacaabey Ergayga cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya .

Safiirka Somaliya u qaabilsan Turkiga Danjire Jaamax A. Maxamed  ayaa danjire Olgan Bekar ku bogaadiyay xilka loo magacaabay , waxaana farriin uu diblomaasigan Soomaliga ahi ku qoray bartiisa Twitter ka  ku sheegay  in dawlada Somaliya  ay danjire Dr Olgan Bekar ka tageeri doonto hawsha cusub ee wada hadlaada Somaliland iyo Somaliya ee lo magacaabey

 

 

“ Farxad ayey  ii aheyd in Danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara” ayu yidhi isaga oo raaciyey intaas na “ waxuu qiimo  u lahaa xidhiidhka Somaliya iyo Turkiga ,waxaana aan u balan qaadayaa Taageerada xilkaas ah Ergayga cusub  Ee Turkiga ee wadahalada Dawlada Somaliland iyo Somaliya “

Xukumada Somaliland ayaan wali ka hadal magacaabista ergeygan Turkiga .

Waxaa se lays weydiinayaa Doorka Turkigu ku leeyahay  wakhtigan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo istaagay iyadoo Somaliland ay hore u sheegtay in aaney la dhacsaneen Dhex dhexaadinta Turkiga  ee wada hadalada labada dal .

Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo ayaa horaantii sanadkan intii aaney wada  hadaladu bur burin waxaa ay isla garteen in Jabuuti  ay ku yeesheen kulan taah furis loogu sameynaayo dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Moqdisho .

Biixi iyo Farmaajo ayaa sidoo kale iyadoo ay dibloomasiyiin shisheeye ku kala dab qadayaan waxaa ay isla garteen in Switzerland marti galiso wada hadalada lagana soo wareejiyo Turkiga .

Turkiga ayaa la sheegay in aanu jeclaysan Talaabada lagaga soo wareejinaayo Wada haladada waxaana uu xidhiidh la soo sameeyey Somliland iyo Somaliya , lamana se oga in Turkigu uu hada go,aansadey in uu soo ceshado  doorkii uu ku lahaa wada haladaas , iyo in uu doorkiisii fudeydinta madasha wada hadalada u bedelo door dhex dhexaadin

Source:- Geeska

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker