Maxaad ka Taqaanaa 20-ka Tababare Ee Ugu Wanaagsan Horyaalka Premier League ?
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxa uu ku jiraa hakad uu sababay caabuqa Coronavirus, hase yeeshee waxa aan istaagin Qiimaynta iyo Xogaha lasoo bandhigayo ee dib loogu eegayo waxqabadka kooxaha, ciyaartoyda iyo tababareyaasha ee kulamadii hore u dhacay.
Premier League, waxa uu Nasiib u yeeshay inuu koobsado Tababareyaasha ugu Wanaagsan caalamka ee qiimayn kasta oo la sameeyo halka ugu Sarraysa kaga jira, sidoo kalena waxa uu haystaa Taageereyaasha ugu badan caalamka, iyadoo uu ka sarreeyo dhamaan horyaallada kala duwan ee qaaradda Yurub, sida LaLiga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1.
Waxa kale oo ay kooxaha Ingiriisku yihiin kuwa ugu dhaqaalaha badan celcelis ahaanna 20-ka naadi ee dunida ugu dhaqaalaha badan, waxa kooxaha Ingiriisku ay ku leeyihiin ugu yaraan siddeed.
15 Sannadood ka hor, Horyaallada Serie A iyo LaLiga ayay ku sugnaayeen macallimiinta ugu wanaagsan, laakiin Premier League waxa joogay Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger oo la tartami jiray Hector Cupper, Marcello Lippi, Carlo Ancelotti, Del Bosque, Louis van Gaal iyo macallimiintii kale ee dunida magaca ku lahaa, laakiin tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ayuu Premier League wada urursaday tababareyaasha magaca iyo khibradda ba leh.
Waxa jooga Jose Mourinho, Pep Guardiola, Carlo Ancelotti iyo Jurgen Klopp oo intuba ah kuwaย ugu sarreeya marka laga hadlayo macallimiinta adduunka.
Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimaynta tababareyaasha Premier League khaaska u ah ee xili ciyaareedkan, waxaana lagu karbaashay Jose Mourinho, Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp oo meelaha ugu dambeeya kaga jira.
Inkasta oo Liverpool ay Hoggaanka horyaalka Premier League 25 dhibcood ku hayso, waxqabadka Tababare Jurgen Klopp na aan cidina dafiri karin, haddana qiimaynta la sameeyey waxa uu kaga jiraa meel aad u hoosaysa, waxaase isaga kasii liita macallinka City ee Pep Guardiola oo kaalinta labaad ee miiska kala-sarraynta ay kooxdiisu ku jirto.
Qiimayntan oo kaliya lagu salleeyey Taatikada dagaalka iyo Xafiiltanka ku dhisan ee macallimiintu ay usoo dejiyaan Ciyaartoygooda, kooxaha kalena kala hor tagaan iyo waliba sida ay farsamadooda uga shaqayso gudaha garoonka, waxa ugu horreeya Nigel Pearson oo ah tababaraha hadda ee kooxda Watford.
Halkan ka Akhriso Qiimaynta oo Dhamaystiran:
20. Eddie Howe
19. Roy Hodgson
18. Pep Guardiola
17. Graham Potter
16. Brendan Rodgers
15. Mikel Arteta
14. David Moyes
13. Jurgen Klopp
12. Daniel Farke
11. Frank Lampard
10. Dean Smith
9. Ole Gunnar Solskjaer
8. Nuno Esperito Santo
7. Carlo Ancelotti
6. Steve Bruce
5. Ralph Hasenhuttl
4. Chris Wilder
3. Jose Mourinho
2. Sean Dyche
1. Nigel Pearson




