Dawlada Itoobiya oo lasoo baxday Safiiradeedii U fadhiyay 8 dal oo caalamka ah , Balse Waa Maxay Sababtu?

Adis Ababa (OWN) –Inkastoo Aanay Dawlada Ethiopia si Rasmi ah U Shaacin Sababta Hadana Ilo-wareedyo diblumaasiyadeed ayaa Xaqiijinaya in dowladda Itoobiya ay U  yeedhatay qaar badan kamid ah Safiiradeeda ufadhiyay Wadamada caalamka Sababo aan illaa iyo hadda la shaacin Awgeed.

 

 

Telefeshinka Al Jazeera ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay labaxday Safiiraddii ka fadhiyay illaa 8 dowladood oo isugu jira   Safiiradii U Fadhiyay Wadamo Yurub iyo Afrika ah.

 

 

Dowladaha ay Itoobiya Safiiraddii kala soo baxday waxaa kamid ah Suudaan, Maqrib (Marocco), Biljamka iyo Ingiriiska.

 

Wargeys maxalli ah oo Itoobiya kasoo baxa ayaa sheegay in Xukuumadda Addis Ababa ay ka Cadhootay mawaaqifta ay Dowladahaas ka qaateen khilaafka ka dhashay biya Xidheenka ay ka sameyneyso webiga Nile.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya iyo maalintii Arbacada ahayd ay  Itoobiya lasoo baxday safiirradii ka fadhiyay wadamada Koonfurta Suudaan iyo Australia.

 

Diblumaasiyiin ayaa sheegay in Itoobiya ay si aad ah uga Cadhootay dowladaha Ingiriiska iyo Biljamka oo lasaftay dowladda Masar kuna baaqay in Itoobiya caddeyso waxa ay ka damacsantahay biya xireenka ay ka dhisayso Wabiga Nile.

 

Go’aankan cadhada leh ee Itoobiya qaadatay ayaa yimid maalin kadib markii ay Wasiirrada Arrimaha dibadda dowladaha ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ay Taageereen dadaallada ay wadaan Suudaan iyo Masar ee ka dhanka ah biya xidheenka Nile.

 

Dowladda Itoobiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay iska diiday in ay ka qeyb gasho Shirar ka dhici lahaa magaalada Washington oo Mareykanku uu ku dhax dhaxaadin lahaa sedaxda dowladood ee isku khilaafsan qeybsiga biyaha wabiga Niil.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker