Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI Ee Gobolka SOOL Oo Lagu Dilay Magaaladda Laascaanood
Ha U Naxariistee Waxa Mar Dhowayd Guddaha Magaaladda Laascaanood Ee Xaruunta Gobolka Sool Lagu dilay Guddoomiyihii Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi [Cardoofe] oo ay gacan ka xaqdarani ku dishay.
Dilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sool, Ayaa Waxa xaqiijiyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Oo Dhambaal Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuumka. Iyadoo Aan la aqoonsan Cidda ka Dambaysay dilkiisa.
Guddoomiye Cirro, Ayaa Dhambaalka tacsidda ah Ee Uu u Diray Marxuumka oo u dhignaa Siddan:- “INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa dhammaan ehelada, qaraabada, asxaabta, waayeelka, waxgaradka Gobolka SOOL iyo Xisbiga WADDANI-ba geerida naxdinta ee caawa ku timid Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi [Cardoofe] oo gacan ka xaqdarani ku dishay Magaalada Laasacaanood.
Marxuumku waxa uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka SOOL & xubin Golaha Deegaanka Deg Laasacaanod, Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Jannadiisana ha geeyo, Xukuumaddana waxaa waajib ku ah in dableyda dishay Marxuumka degdeg caddaalada loo hor keeno. Samir iyo iimaan”.




