Daawo Hay’adda WFP Way Kagaabisay Quudinta Dugsiyada Sanaag “Guddoomiyihii hore Waxbarashada Sanaag”
Ceerigaabo(OWN) Guddoomiyihii hore Waxbarashada Sanaag Cabdalle Maxamuud Maxamed ayaa dhowaan isagoo ka hadlayey munaasibaddii xilwareejintiisa wuxu hoosta ka xarriiqay in Hay’adda WFP oo iyadu qaabbillsan quudinta iskuullada meelaha laga guur-guuro kuyaalla ay gebi ahaanba arrintaas ka gaabisay intooda bandanna dugsiyadaas waxbarashadoodu meesha uga baxday markii ardaydii yaryarayd waayeen wax ay quutaan (feeding) oo kaga hadhaan dugsigooda marka reerku guuro.
Wuxu sidoo kale sheegay in dugsiyo fara kutiris ah oo hay’addaasi quudiso xataa waxa ay geysaa yahay Qamaddi ay adag tahay inay cuni karaan ardayda yaryari. Isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxu yidhi
“Inta badan dugsiyada gobolku waxay ku yaalliin miyiga oo dadku xoolo-dhaqato yahay arrinta ugu muhiimsan ee ay u baahnaayeenna waa quudin (Feeding) haddii reerku guuro ay ardaydu ku negaadaan arrintaasna waxa qaabbishey Hay’adda WFP haseyeeshee WFP way ka gaabisay waayo dugsiyada gobolkaas dhan (200) oo iskuul ku yaalliin waxay wax siiyaan (38) iskuul intaasna waxay siiyaan waa Qamaddi aan anfacayn ardayda yaryar markaa waxan leeyahay WFP ama faraha ha kala baxdo ama dugsiyada gobolka ha baahi tirto”.
Oodweynenews.com/Ceerigaabo
Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Ex-Guddoomiyaha Waxbarashada Sanaag




