Haweeney Somaliyeed oo U Dhaxday Jilaaga Caan ka ah Idris Elba Oo Laga Helay Coronavirus.

Xaaska jilaaga Hollywood-ka Idris Elba ayaa Xaqiijisay in uu ku dhacay fayraska corona, todobaad ka dib markii fayraska laga helay ninkeeda.

 

 

Sabrina Dhowre oo ah gabadh Soomaali ah ayaa difaacday go’aankii ay ku Ag-joogtay saygeeda oo ku jiray karantiin, waxaanay  u sheegtay Barnaamijka cusub ee Oprah Winfrey ay ka bilowday Apple TV “Inay ay doonaysay la joogitaanka Idris, isla markaana ay dareemaysay dabciga Xaasidnimo ee ah in ninkeeda ay daryeesho”

 

 

Lammaanaha ayaa ku sheegay wareysiga in ay hadda ku jiraan karantiil ayna ku sugan yihiin gobolka New Mexico, ee dalka Mareykanka, halkaasi oo jilaaga filimkiisii ugu dambeeyey lagu Diyaarinayo.

 

“Dhab ahaantii, maanta ayaan ogaaday inaan qabo fayraska” ayey Sabrina u sheegtay Oprah iyadoo kula hadlaysay Facetime-ka Sabtidii.

 

“Go’aan waan sameyn lahaa aan nafteyda Ku  galiyo qol gaar ah, ama aan ka fogaado, laakiin waxaan qaatay go’aan ah innaan isaga la joogo oo waliba xitaa jirkeenu is taabto” ayay tidhi Sabrina.

 

Sabrina oo ka hadlaysay Caafimaadkeeda iyo waxa hadda ay dareemayso ayay tidhi “Ma dareemayo wax dadku ay filan lahaayeen, sida calaamadaha fayraska corona, taasi oo ah wax la yaab leh”

 

Waxay sii raacisay “Laga yaabee inay isbadasho todobaadyada soo socda, waan idinla socodsiin doonaa, kaliya waxa walwalka ah ayaa ah innaan halkan labadeennu fadhino, laba qof oo calaamadaha laga helay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker