DF ee Soomaaliya oo Maamul-goboleedka Puntland u ballan-qaaday inay ka taagerayso Weerar Milatari oo ay Somaliland ku qaaddo

Garowe (OWN)- Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa maamul-goboleedka Puntland u ballan-qaadday inay ku garab-taagan tahay wax ay ku tilmaantay “La soo-noqoshada iyo dib u soo celinta gobollada Maqan ee Puntland”, tallaabaas oo ay ku sheegtay mid cashar u noqonaysa “kuwa doonaya inay kala gooyaan Soomaaliya” oo uu markaas ula jeedo Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirul-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo maanta khudbad ka jeediyey gebo-gabada Shirka Wada-tashiga Maamul-goboleedka Puntland oo maalmihii u dambeeyey ka socday Garowe, ayaa halkaas ka jeediyey hadallo uu madaxda maamul-goboleedkaas ugu dhiirri-gelinayo inay qaadaan colaad hor leh oo ay la galaan Somaliland, maadaama deegaamada Maqan ee uu ka dhawaajiyey yihiin gobollo ka tirsan Somaliland.

Mr Maxamuud Xayir Ibraahim oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, dhalasho ahaanna ka soo jeeda Magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland, waxa uu sheegay in dowladda uu ka tirsan yahay ee Soomaaliya ku garab-taagan tahay maamulka Puntland dariiq kasta oo ay maraan la soo noqonaya dhulka ka maqan.

Warkan oo Faahfaahsan ka Akhriso Halkan

 

 

Oodweyne News

Hargeysa Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker