Roobabka Gugga oo Ka Curtey Gabiley iyo Kalabeydh

Roobabka Raxmadda Guga, oo Ka Curtey Gabiley iyo Kalabeydh iyo Biyo Dhig Wanaagsan oo Roobkaasi lahaa
iyaddoo ay Kumanaan Qof, oo Kamid ah Dadka Kasoo Barakacey Abaarta adag ee indhawaale Saameynta Ku Yeelatey Gobolada Bariga Somaliland iyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ay Ku sugan Wakhti Xaadirkan Deegaanadda Gobolka Gabiley, ayaa Waxaa Galabta la Curtey Roob Si Fiican uga da,ay Ibta u Dhaxaysa Gabiley iyo Kalabeydh, iyadoo Roobku badidiisu u badnaa Dhinaca Magaalada Kalabeydh oo Biyo dhig Fiican yeeshay.
Sida ay Kusoo Waramayaan Dadka Xoola-dhaqatada ah ee Deegaanka ku ah Caratuulka, Lo,Ka aroor, Carabaraar, Nabadiid Botor ilaa Aw Samire, Waxa ay Sheegeen in Roobku Halkaa uga Curtey Si Nimco ah oo Ku Hoorey dhamaanba Deegaanadaasi, oo uu Biyo Dhig Fiican lahaa iyadoo, oo uu ilaa Fiidkii hore Ka da,ayey.

Dad Fara badan, oo Kasoo hayaamay iyaggu Abaarta adag ee Xiligan Haysata Deegaanada Bariga iyo Dawladd Deegaanka Soomaalida ayaa iyaggu si xoog ah u jooga Gabiley iyo Nawaaxigeeda, oo ay Xoolaha ay Ladoo gaadheen halkaasi kaga Bilal baxsadeen Xamakudda, Caleenta, iyo Hadhuudhadii Beeralaydu kusoo dhaweysay Waxaana si xoog ah Geelashu uga Cabi jireen Dooxa Arabsiyo, Ceelasha Botor, iyo Dhaamka Bohol-Qawle oo ay Isagana Kumanaan Xoola ahi Maalin walba Ka Cabaan.

illaahay ayaynu uga baryaynaa in uu Abaarta Xiliga adag Kasoo jabiyo Dadka Xooladhaqatada ah ee Wakhtigan Deegaanada Fogfog la Yimid oo iyaguna Ku Sugan Dhinaca Gobolka Gabiley ee Galabta Roobku ka da,ay iyadoo ay Duco kala hadheen dadkaasi beerlayda ahi Guud ahaanba Xoola-dhaqatadii kusoo hayaamay Deyrtan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker