Ciidan ka socda Nigeria oo soo gaadhay Magaalada Muqdisho

Dowladda Nigeria ayaa 144 Sarkaal oo boolis ah u soo dirtay Somaliya, iyagoona qayb ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Saraakiishan oo la socday diyaarad ay Qaramada Midoobey leedahay ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiishan ayaa diyaaradda ka soo raacay Magaalada Abuja ee Xarunta Wadanka Nigeria. Markii ay ka soo deggeen Garoonka Aadan Cadde ayay Wasaaradda Caafimaadka Somaliya marsiisay baaritaanka caafimaadka ee looga hortaggayo faafitaanka xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay war ka soo baxay AMISOM.

Warkan oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee AMISOM ayaa lagu sheegay in Saraakiishan ay muddo hal sano ahi ka hoos shaqayn doonaan Taliska AMISOM, iyagoo markaasi la talin iyo taageeraba siinaya Booliska Soomaaliyeed.

Imaanshahooda Magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, xilli Booliska AMISOM ay toddobaadkii hore dib u bilaabeen hawlgaladii wadajirka ay la samayn jireen Booliska Gobolka Banaadir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker